Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Akhriso: Madaxda Mareykanka ee ka badbaadday falal khaarajin ah “Qeybta 2-aad”

$
0
0
Tan iyo markii magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania  laga soo saaray baayaan cad oo ka soo baxay mustacmiraddii  Dalweynihii  Ingiriiska (Gteat Britain)  isla markaana lagu muujinaayey  xoriyadda dadka Mareykanka ah July 4, 1776, waxaa dalkaasi soo aray maamul ku meel gaar ah oo shaqeeyay illaa 1779-kii iyo mid rasmi ah oo uu sanadkii 1779-kii horsed ka ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay Gorje Washington. Mudada u dhaxeysa 1779-2016-ka waxaa dalka Mareykanka soo maray 44-Madaxweyne oo 16-kamid ah ay qabteen laba xilli,halka 12-madaxweyne ku xigeen  ay iyaguna noqdeen madaxweynayaal. Haddaba, waxaan qormadaan ku soo qaadaneynaa 11-madaxweyne oo iyagoo haya talada dalka Mareykanka  ka badbaaday isku day dil iyo mid ka dagay ama banneeyay xilka madaxtinimo oo isna ka samatabaxay fal argagixiso ah.. Andrew Jackson (January 30, 1835). Richard Lawrence oo ah nin aan kamid aheyn shaqaalaha Aqalka   Cad,isla markaana loo keenay in uu naqshadaha bilicda iyo rinjyeyeyn ku sameeyo xafiisyada iyo hoolalka shirarka ee Aqalkaasi ayaa Bistoolad ku weeraray goob uu ku sugnaa madaxweyne Andrew Jackson. Ninkaasi ayaa ku fashilmay in uu fuliyo falkaasi dilka ah,kadib kolkii ay suurtogal noqon weyday in wax rasaas ah ay ka baxaan ama ka dhacaan Bistooladdaasi. Ciidamada ilaalada Aqalka Cad,ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi wuxuuna noqday qofkii ugu horeeyay ee [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles