Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Jubbaland oo hal kursi dib loo dhigay berri Doorashooyinka Aqalka Hoose

$
0
0
Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay laba kursi oo ka mid ah saddexdii Kursi ee ugu dambeysay tartanka doorashada Xubnaha Dowlad-goboleedka Jubbaland u matalayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka cusub Dowladda Federalka Soomaaliya. Doorashadii maanta dhacday ayaa waxaa kusoo baxay Musharraxiinta kala ah: Sagaal Cabdirisaaq Isaaq, iyo Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir, hase ahaatee waxaa dib loo dhigay ilaa berri Kursigii ugu dambeeyey ee 43-aad. Jubbaland ayaa noqoneysa Dowlad-goboleedkii ugu horreysay ee soo afjarta Doorashooyinka Aqalka Hoose, Haddii ay berry soo dhameystirto 43-kii Mudane ee uga mid noqon lahaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, afarta sano ee soo socota.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles