Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa aqalka dowladda hoose ee Muqdisho uga qeyb-galay, munaasabad lagu xusayey sannad-guurada koobaad ee maamulka gobolka Banaadir. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar weyn, tusaalaha koobaadna uu u yahay gobolka Banaadir oo ah caasimadda dalka, maamulka waxaan ku ammaanayaa dedaalka, wada-shaqeyn iyo isku tashiga uu gaaray maamulka oo kaashanaya shacabkiisa. “waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed guud ahaan in ay eegaan horumarrada dalka uu gaaray mudada yar ee ay fursadda siiyeen dowladdooda, waxaan hubaa in sanadaha soo socda aan hiigsan doonno tallaabooyin ka waa weyn ka horumarsan kuwa hadda aan heysanno, arrinta dhismaha waddooyin ee mashruuca dalkaaga Hal Dollar ku dhiso, guul ayaa laga gaaray welina waan ku dhiiragelinayaa, xitaa dadka Soomaaliyeed ee deggan gobollada dalka in ay iyaguna ku biiraan howshaasi dib u dhiska dalka looga qeyb-qaadanayo” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in marnaba aysan dhici doonin in xuquuqda gobolkaan la waayo, cid fikraddaasi aaminsanna aysan jirin, madasha wadatashiga Qaranna ay go’aannadoodii ku jireen in awood qeyb-siga uu ahaado mid waddo cadaallad ah loo maray. Madaxweynaya ayaa ka codsaday dadka gobolka Banaadir ku nool mar kale in ay sii laba-laabbaan [...]
↧