Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

R/wasaaraha Soomaaliya oo kulamo la leh bulshada Magaalada Baydhabo

$
0
0

WhatsAppShare

Raisul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarrke oo shalay socdaal ku tagay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa kulamo la leh qaybaha Bulshada gobolkaas, kuwaas oo ku hawlan sidii ay u soo Xuli lahaayeen Xildhibaanada Maamulka Koofur galbeed ee Soomaaliya,

Iyadoo Raisul wasaaraha iyo Xubnaha la socda oo Wasiiro iyo Xldhibaano isugu jira ay halkaas u tageen sidii Bulshada gobolka ay ula fududayn lahaa shaqada soo xulista Xubnaha ka mid noqonaya Barlamanka Dowladd goboleeddka Koofur galbeedd Soomaaliya si loo dadajiyo shaqada Baarlamanka Maamulkaas.

Mudane Cumar C/rashiid Cali iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in socdaalka ay ku joogaa gobolkaas uu qaato ilaa 3 maalmood, waxaana maanta ay u tahay maalintii labaad oo uu halkaas ku sugan yahay.

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles