Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta oo ku sugan Mareykanka “SAWIRRO”

$
0
0
Wafdi uu hogaamayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Prof Cabdullaahi Sheekh Cali(Qaloocaw) oo  safar shaqo ah u jooga dalka Mareykanka ayaa waxay la kulmeen madaxda Hay’adda USAID, waxayna ka wada hadleen sidii mucaawanada USAID ay u noqon lahayd mid waxtar muuqda u yeelato bulshada Soomaaliyeed, ayna noqoto mid ku jaan go’ an Qorshaha Horumarinta Qarankan (NDP). Iyadoo mas’uulayiinta  Hay’adda USAID ayaa waxay  boogaadiyeen  Dowladda Soomaaliyeed dadaalka dheer ay u gashay sameynta qorshaha Qaranka iyo dib u dhiska  kaabayaasha   dhaqaalaha  iyo horumarka dhinc walbo ay gaartay dowladda Soomaaliya . Wasiika ku-xigeenka ayaa  sheegay in qorshaha hormarinta Qaranka Somaaliyeed diyaarintiisa ay ahayd mid Soomaaliya oo dhan guuul u ah  isla amrkaana wadatashi lala yeeshay  madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo dhacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobalada dalka. “waxaan wadatashi aan la yeelanay xubnaha dowladd gobaleedyada iyo  dowlada Federaalka, waxaana  naga wada go’an  sidii wadanka aan ugu sameyn lahayn Qorshe saddax sano  ah, kaasi  uusan ahayn mid layska  riyooda oo  kaliya balse uu noqda wax cad oo dalkan lagu hagi karo” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta. Dhinca kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaraadda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Cali , ayaa shir la qaatay Safiirka Soomaaliya u [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles