Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta kormeer howlleed ku tegay Garoonka Balli-doogle oo xarun u ah Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, waxana uu kulan la yeeshay Saraakiisha halkaasi ku sugan. Wasiirka ayaa waxaa kormeer ka ku weheliyey Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Gen. Cali Baashi. Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ku adkeyay Ciidanka Xoogga dalka ee halkaasi dagan in ay xoojiyaan isla markaana gacan bir ah ku qabtaana kooxaha Nabad-diidka ah ee dhibaatooyinka ku haya shacabka Soomaaliyeed. Isagoona boggaadiyey howlgalladii ay sameeyeen Ciidanku oo guulo wax ku ool ah laga gaaray. Wasiirka ayaa xusay xiligan oo dalku ku jiro Doorashooyinka in kooxaha Nabad-diidka ay ka faaideysan karaan, taasi badelkeedana loo baahan yahay in taxadar la muujiyo lagana hor tago falalka uu cadowgu sameyn karo. —-DHAMMAAD…..
↧
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka oo booqasho ku tagey Balli-doogle.
↧