Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo hay’adaha samafalka ka codsaday inay u gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen

$
0
0
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeya samafalka in ay kaqayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu sameyeen ee ku  nool Gobolka Hiiraan. Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in abaaro baahsan ay ka jiraan deegaanno hoostaga gobolka kuwaasi oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada, waxaana uu hay’adaha samafalka ka codsaday in ay ka qeyb qaataan sidii loo samata bixin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen. “Mas’uuliyad baa ka saaran inay u gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolka, waxaana u soo jeedinaa inay u gurmadaan shacabka ay abaaruhu ku saameeyeen, qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, marka waxaan rabnaa mas’uuliyiinta hay’adaha samafalka inay gutaan waajibaadka uga aadan wax u qabashada shacabka”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan ay magacaabi doonaan guddi heer gobol ah oo soo qiimeeyaha meelaha ay abaaruhu ku dhufteen, si gurmad dhinac waliba leh loogu geyn lahaa.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles