Shirweynahii Shanaad ee Wakaaladaha Wararka ee Dunida ayaa maanta ka furmayo Xarunta ugu caansan Caasimadda Azerbaijan ee Baku oo lagu magacaabo Hadary Aliyev Center, iyadoo shirkaasi uu Soomaaliya uga qeybgalayo Guddoomiyaha Golaha guud ee Warbaahinta Qaranka ahna Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala iyo Madaxa Qeybta Carabiga ee Wakaaladda Cumar Faarax. Agaasimaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka uu maanta daah furi doono Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev, kaasi oo diirada lagu saari doono arrimo badan, isagoo intaa ku daray inay tahay markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya xubin buuxdo ka noqoto Midowga Wakaaladaha Wararka Caalamka, isla markaana si rasmi ah shirkaasi looga shaacin doono xubinnimada SONNA ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida. Guddoomiyaha Golaha guud ee Warbaahinta Qaranka ahna Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in 18-ka bishan oo ku beegan maalinta Jimcaha bandhig sawireed lagu qaban doono Caasimadda Azerbaijan ee Baku, isla markaana ay shirkaasi ku soo bandhigi doonaan sagaal sawir oo ka turjumaya dhaqanka, dalxiiska, Jugraafi ahaan halka Soomaaliya ku taalo, taasi oo ka saacideysa in 93 Wakaaladooda wararka ay xog rasmi ah ka helaan Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA. Dhanka [...]
↧