Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Afhayeenka Gobolka” Shacabka hala shaqeeyaano Laamaha Amniga”

$
0
0

WhatsAppShare

Afhayeenka maamulka gobolka banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo Waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga dowladda si ammaankooda loo xaqiijiyo.

Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa ka dalbaday Shacabka ka dukaameysta Waddada Maka-Almukarrama inay ilaashadaan Amnigeeda wixi amni xumo u keenayana ay u soo gudbiyaan laamaha Amniga dowladda si wax looga qabto.

“Magaalada Waxa ay leedahay meelo Gawaarida la dhigto maaha in gaadiidka jidadka la dhigto dadka nuucaas ahna tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa shacabka waxaan leeyahay ha qarinina dadka raba maalin walba inay idin Dhibaateeyaan” Ayuu yiri Afhayeen Xalane.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka ayaa  sheegay in waddada Maka-Almukarrama  ay tahay waddo muhiim ah isla markaana u dhameystiran qalabkeeda.

“Waddada Maka Almukarrama Waa waddo muhiim ah umana rabno in Nadaafaddeeda lagu Ciyaaro shacabka waxaan u sheegayaa inay ilaaliyaan Bilicda Waddadaas, maamulka gobolka waa uu ku guulaystay Dhameystirka Bilicda Jidka Maka Almukarrama” ayuu yiri Afhayeenka Gobolka.

Todobaadkaan dhexdiisa ayay ahayd markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ay weerar loo soo adegsaday gaari lagu soo xiray walxaha qarxa ay la beegsadeen Carwo laga dukaameysto oo ku taalla Waddada Makka- Almukarrama.

.

 

 

 

 

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles