Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa qaabilay wasiirka Arrimaha Dibedda iyo xiriirka Caalamiga ah ee dalka Burundi oo soo gaaray Magaalada Muqdisho. Kulankan oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu madaxweynaha ku soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Brundi, Alian Aime NYamitwe, kulanka waxaa joogey wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo saraakiil kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan, madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay salaan iyo dhambaal uuu uga siday madaxweynaha dalka Burundi. Waxaa aad looga hadlay doorka Ciidammada Burundi ee nabaddeynta Soomaaliya ee howlgalka AMISOM, madaxweynaha ayaa uga mahadceliey wasiirka booqashadiisa Soomaaliya iyo dhambaalka uu iga siday dhiggiisa dalkaasi. Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, ayaa kulanka kaddib u sheegay SNTV in si weyn looga hadlay xiriirka labada dal iyo in looga mahadceliyo doorka ay ciidankooda AMISOM ka tirsan ka qaataan nabadda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Burundi Alian Aime NYamitwe ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya in uu ka turjumayo xiririka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dalka, waxaan si gaar ah uga hadalnay ciidammada Burundi ee Soomaaliya jooga iyo in dedaalkaasi uu sii socdo. “madaxweynaha Soomaaliya ayaan la kulmay, aad ayaan [...]
↧