Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo lacago ku wareejiyay maamulka Degmada Hodan

$
0
0
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa maanta boqolkun oo dollar ku wareejiyay  maamulka Degmada Hodan iyo Guddigii ka shaqeeyay dib u dhiska lagu sameeyay Wadad 26-ka Juun ee  isku xirta isgoysyada Kaasa bobolaare  (KPP) iyo Shaqaalaha ee Degmadaasi. Guddoomiyaha Gobalka  ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxa uu xusay in lacagahaasi  aysan ka imaan gacan shisheeye, isla markaana dib u dhiska lagu sameeyay waddooyinka magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo loo adeegsaday qarashaadka laga qaaday muwaadiniin Soomaaliyed Guddoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa duqa magaalada Muqdisho ugu mahad celiyay dhismaha wadada Shaqaalaha. Waa wadadii afaraad oo uu maamulka Gobalka Banaadir ku sameeyay howlo dib u dhis ah, isla markaana  laami lagu saaray waddooyinkaasi iyadoo uu Gudoomiyaha Gobalak Banaadir sheegay in dhismayaasha wadooyinkaasi ay ku baxday in ku dhaw 10milyan oo Dollar.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles