Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur “Shuute” oo maanta Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay Socdaal Shaqo oo Isaga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Gen Liibaan Cali Yaroow ay ku tageen magaalada Qaahir ee Dalka Masar. G/Sare Xasan Cali Shuute ayaa Sheegay in kulan gaar ah oo fikrado la isku dhaafsaday ay la qaateen Guddoomiyaha Hay’adda Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida Sareeya Gaas Camaad Cabdalcasiis oo ay wehliyaan Xeer ilaaliyaha Guud Maxkamadda Ciidamda Qalabka Sida Masar iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Dalka Masar. “Socdaal Shaqo oo qaatay hal Isbuuc ayaan aniga iyo Gen Liibaan Cali Yaroow ku tagnay Qaahir kadib markii aan casuumaad rasmi ah ka helnay Dowladda Masar, wuxuu ahaa kulankeenii ugu horreeyay ee dhexmaray madaxda ugu Sarreysa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya iyo Masar, si wanaagsan ayay noogu soo dhaweeyeen garoonka Diyaaradaha Magaalada Qaahir, sida taariikhda ku xusan Masar waxa ay safka hore uga jirtaa dalalka ugu horreeya dhinacayada xeerarka garsoorka madaama Xeerarka u dagsan Masar la dajiyay 1882-Kii, halka Xeerarka Soomaaliyana la dajiyay 1963-Kii, waxaan ka wada hadlanay sidii aan isku dhaafsan laheyn aragtiyo la xiriira qaabka maanta ay u [...]
↧