Beesha caalamka oo ka duulaya burburkii dhinaca xukuumadda ee soo gaaray dalka Soomaaliya,waxa ay dhowr iyo labbaatankii sano ee u dambeeyay ay kaalin firfircoon ka geysteen soo nooleynta adeegyadii umadda ee lagama maarmaanka u ahaa jiritaanka dadka iyo dalka. Waxqabadkii beesha caalamka, waxaa dadka Soomaaliyeed ay sanado badan ula muuqdeen kuwo ujeeddo badan ah oo laga lahaa dano gaar ah sababtoo ah waxaa sameysmay mashaariic gaar ah oo ay maamuleen hey’ado samo-fal iyo ururo dowli ah oo gacan ka helaya caalamka, Afartii dsno ee u dambeysay,dalalka daneeya Soomaaliya, waxa ay ku andacoodeen in ay bixiyeen lacago taakuleyn ah oo aad u farabadan isla markaana loogu talagalay in lagu saacido xukuumadda iyo shacbiga Soomaaliya,hasa yeeshee dooddasi ma aha mid xaqiiqo ah oo ay ku qanci karaan dadka Soomaalioyeed, ,marka laga reebo lacagaha la siiyo ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee jooga Soomaaliya. Lacagaha samofalka ee ay bixiyaan wadamada reer Galbeedka waxaa inta badaqn ay ku bexeen hey’ado gaar ah oo aan la ogeyn cidda ay u shaqeyaan iyo waxa ay qabteen,inkastoo mararka qaar ay jireen tababarro iyo waxqabad kooban oo ay sameeyeen hey’adahaasi. Kaalinta beesha caalamka ee Soomaaliya,waxaa la oran karaa waa mashruuc ganacsi, waayo lacagaha loo yabooho dadka Soomaaliyeed waxa ay [...]
↧