Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi iyo Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Dawlada Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame ayaa si wada jir ah maanta u dhagax dhigay Kuleej loogu tala galay in daryeel iyo waxbarasho lacag la’aan ah ay ka helaan Agoonta magaalada, waxaana wada mashruucan lagu dhisayo qurbaqajoog Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Degmada. Xildhibaanno ka tirsan dawlada Goboleedka Galmudug iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ka mid ahaa dadkii ka qayb galay munaasabadan ayaa si wayn uga mahadcelshay dadka wada mashruucan waxtarka u ah agoonta. Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo ka hadlay munaasabada ayaa ugu baaqay dadka deegaanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in si wadajir ah looga qayb qaato dhismaha xaruntan oo uu ku sheegay in ka maamul ahaan ay doonayaan inay ka qaataan qaybtooda. Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay oo isugu jiray odayaal, Aqoonyahano, Ganacsato iyo Haween ayaa dhinacoda sheegay inay soo dhaweynayaan mashruucan ay bilaabeen qurbajoogta waxaana ay xuseen inay qaadan doonaan dhinacooda Doorka kaga aadan. Ugug dambayn Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in haddii ay hirgasho xaruntan ay meesha ka baxayso dayacaad hore u haysatay agoonta waxaana uu shegay in loo baahnaa waqti hore. [...]
↧