Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey bilowga doorashooyinka Baarlamaanka oo maanta ka bilowday Garoowe, xarunta Dowlad Goboleedka Puntland. Dowlad Goboleeyada kalena ay ku howlan yihiin in maalmaha soo socda ay bilaabaan doorashooyinka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo maanta ku guuleystay in doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ay ka bilowdaan goobihii lagu ballamay. Madaxweynaha ayaa yiri “Hannaanka Doorashooyinka 2016 waa qorshe qaran oo dalka looga hirgelinayo doorashooyin dadban si 2020 aan u wada gaarno doorashooyin hal qof iyo hal cod ah. Bilowga doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka waxey ka dhigantahay in aan ka dhabeynay ballanqaadkii ahaa in doorashooyinka ay ku dhacayaan waqtigii loogu talo galay.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey beesha caalamka taageeradooda ku aadan doorashooyinka iyo sida ay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ugu dhiirigeliyaan dar-dargelinta doorashooyinka. Waxaana muuqata in Soomaaliya ay maanta gaartay heer horumar ah oo doorashooyinku ay ku dhacayaan sidii loogu talagalay, sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay kalsooni buuxda ku qabaan doorashooyinka oo ay muuqato in Soomaalidu ay si Soomaalinimo ah wax u qabsan [...]
↧