Howlgalkan oo uu horkacayey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) ayaa ciidamada Dowladda ee NISA iyo Booliiska oo kaashanaya kuwa AMISOM waxay ka sameeyeen Tuulooyinka Xero koowaad, Xero Labaad, Doon Buraale, Maayo Murug, Banaadir, Cabdi Cali, Dhanshinley, Gorgaal iyo Caramooy oo dhammaantood hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkan uu yimid kaddib markii ay ciidamada ka war heleen in maleeshiyada Al-Shabaab ay saldhig ka sameysteen meel 5-KM u jirta degmada Qoryooley, halkaasoo markii ay ciidamada gaareen ay dadka deegaanka u sheegaan in ay ka carareen maleeshiyadii Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ciidamada in ay dhibaatooyin ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab. Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) oo ay qeyb ka yihiin Taliyaha qeybta Booliska gobolka Gaashaanle Dhexe Cabdi Ibraahim Shaamow iyo ku xigenka Maaliyadda gobolka Cabdiftaax Xaaji Cabdalla ayaa waxay socdaal ku marayaan degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Wefdiga waxa ay haatan ku wajahanyihiin degmada Shalaanbood ee gobolka Shabeelaah Hoose, si ay kulamo ula qaataan qeybaha bulshada.
↧