Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Howlo lagu dayactirayo waddooyinka burbursan oo ka billowday magaalada Baydhaboo

$
0
0
Maamulka Gobolka Baay ayaa gudaha magaalada ka bilaabay howlo lagu dayactirayo wadooyinka muhiimka ah ee burbursan ee dhex mara magaalada Baydhabo Wadooyinka uu dhismaha ka socdo ayaa ah kuwo aan helin wax dayactir ah tan iyo intii ay burburtay dowaladii hore ee Soomaaliya, waxaana ka mid ah wadada weyn ee dhaxmarta  magaalada Baydhabo, waxaana ay wadadaasi ahayd wado aad u burbursan isla markaasina ay ka wareegan jireen inta badan gaadiidka isticmaala wadooyinka magaalada. Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane C/laahi Cali Watiin ayaa shacabka magaalada Baydhabo uga mahadceliyey sida ay uga go’antahay dib usoocelinta bilicda Wadooyinka Baydhabo. Xili uu kor meerayey wadada dheer halbowlaha u ah marinka dadka iyo Gaadiidka. Guddoomiyaha Goboka Baay Mudane C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa sheegay in howlahani dayactirka ah ay ugu talo galeen in ay soo celiyaan isticmaalka qaar katirsan wadooyinka muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka si ay usoo laabato buu yiri bilicda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxayo howlahani lagu dayactirayo qaar ka tirsan wadooyinka magaalada Baydhabo ay iska kaashanayaan maamulka  degmada Baydhabo  iyo qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada, waxaana uu sheegay in ay howlahani sii socon doonaan ilaa inta ay ka dayactirayaan guud ahaanba wadooyinka burbursan [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles