Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa warqadaha aqoonsiga uga guddoomay Verinoque Lorenzo oo uu Midowga Yurub u soo magcaabay safiirkooda Soomaaliya fadhin doonta. Madaxweynaha oo uu wehliyo, wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil kale, waxa uu war-bixin ku saabsan shaqadeeda Cusub ka dhageystay Mss Lorenza. Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu sheegay in Midowga Yurub iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan, isla markaana uu ogollaadey shaqada Safiirka cusub, gacanna ay ku siin doonaan howlaha ay Soomaaliya ka qaban doonto. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Cali Kadiye, ayaa warfidiyeenka u sheegay in madaxweynaha iyo safiirka ay aad uga hadleen sidii loo dardagelin lahaa howlaha Midowga Yurub ee Sooomaaliya. Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Lorenza, ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonto sidii uu u sii jiri lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageera dhan walba, shaqadaas waxaan rajeynayaa in ay noqoto mid aan dowladda Soomaaliyeed ku wada guuleysanno. “Nolosheyda cusub ee Muqdisho Soomaaliya ayaa ii bilaabatay maanta, waxaa naga dhexeeya Soomaaliya xiriir dheer, madaxweynaha ayaan soo booqdey aad ayuu ii soo dhoweeyey, waa uuna aqoonsadey shaqadeeda Soomaaliya, waxaa naga go’an in [...]
↧