Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maamulka Degmada Kaxda oo hirgeliyay waddooyin horleh

$
0
0
Degmada  Kaxda   ee  Gobolka  Banaadir ayaa waxaa ka socday mudooyinkii la soo dhaafay  dadaalo lagu furayo  wadooyin horleh iyo dayactirka wadooyin burbursanaa  oo  caqabad  ku ahaa  dadka iyo Gaadiidka  Dadweeynaha. Maamulka   iyo  qaybaha bulshada  oo iskaashanaya  ayaa ku  guulaystay    furidda  ilaa iyo  65 waddo   oo   dhex  mara  xaafadaha  Degmadaasi,  taasi  oo bilaw u ahayd  qorshaha Maamulka  dib ugu  soo  noolaynayo   kaabayaasha   adeegga bulshada  ee Degmada,   isagoo ka jawaabaya  baahida   dadka Degmada  ay uqabaan inay helaan wadooyin   ay isaga  kala gooshaan  si   meesha  ay uga baxdo dhibaatooyinkii iyo cariirigii   marista  wadooyinka   ee ay ku qabeen Gaadiidlayda iyo dadweynuhu intaba  . Wajigii labaad  ee  qorsha dib u dhiska  waddooyinka  Degmada Kaxda ayaa  saakay bilawday,   ayadoo  ay socdaan  furidda  ilaa iyo 70  waddo  oo  dhaxmara  Waaxyaha Degmadaasi, taasi oo wadarta Guud  ee Dhismaha Wadooyinka la furayo ka dhigaysa 135  wado  Sida uu Sheegay  Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi. Dhinaca kale  Guddoomiyaha  Degmada  Kaxda   Maxamed  Ismaaciil Cabdullaahi ayaa intaa ku daray in isku tashi Wadajir ah  oo ay sameeyeen  Maamulka  iyo  Qaybaha  Bulshada  Degmada   lagu guulaystay  dhismaha iyo  furida  Wadooyin horleh   oo dhaqaalaha ku baxaya  ay iska soo arruuriyeen  Qaybaha  Bulsahada. Degmada  ayaa  waxaa ku yaala  Ceelbiyoodyo  aan sidaa u badnayn, taasi oo [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles