Ciidamada Ammaanka degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay iyaga iyo hubkoodaba laba nin oo toogasho ku dilay xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi Nabadoon lagu magacaabi jiray Nd. Hilowle Xaafow, xilli uu ka soo baxayey Masaajid ku yaalla xaafadaasi, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen dadka deegaanka. Ciidamada degmada oo kaashanaya Shacabka ayay u suurtagashay in ay maleeshiyadaasi dhaawacaan, isla markaasna gacanta ku dhigaan sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax. Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha hay’adaha ammaanka ee gobolka iyadoo Maleeshiyada iyo hubkoodaba ay la wareegeen Ciidammada Ammaanka. Tallaabada ay qaadeen ciidammada degmada Wadajir oo kaashanaya Shacabka ayaa si weyn loo soo dhoweeyey, waxaana la sii dhiirigeliyey in la sii xoojiyey iskaashiga noocaan oo kale ah ee looga hortagayo dhagaraha ay maleegayaan Maleeshiyaadka Argaggixisada ah.
↧