Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidamada Ruushka ayaa aqbalay xabad joojin ku meel gaar ah oo ka dhaqangasho magaalada xalab ee dalkaasi suuriya.

$
0
0
Warkaan ka soo yeeray ciidamada ruushka ee duqeeymaha ka wada dalka suurya ayaa sheegay in Arbacadaan maanta ah madaxweeynaha ruushka Vladimir Putin  uu ku amrray ciidamada dalkiisa ee duqeeymaha ka wada goobaha ay ka dagaalamayaan maleshiyaadka ISIS gaar ahaan magaalada xalab ee dalkaasi Suuriya inaay dhaqan galiyaan xabad joojin ku meel gaar ah oo socon doonta muda 10-ban saacadood ku siman. Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in ay la soo xariireen hey,adaha ka shaqeeya xuquuqda aadanaha oo aay ka codsadeen in mudo kooban ay joojiyaan ciidamadiisa duqeeymaha ay kawadaan Magaalada Xalab si loo soo badbaadiyo Dad Rayid ah oo halkaasi ku go,doonsan. Xabad joojinta ayaa dhanka ciidamada ruusha ka dhaqan galeysa saacadaha danbe ee maanta oo Arbaco ah waxayna ku egtahay sida la sheegay beri oo Khamiis ah subaxnimada hore Dhanka maleeshiyaadka mintidiinta ee halkaasi ka dagaalama ayaanan la ogeen sida ay dhankooda uga dhaqan gali doonta xabad joojintaan.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles