Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xildhibaano iyo Madax kale oo deeq gaarsiiyay Degmada Xudur

$
0
0
Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa maanta gaaray magalada Xudur ee Gobolka Bakool. Masuuliyiintaasi oo u jeeddada safarkoodu ahaa si ay u soo indho indheyn lahaayeen xaaladda dhabta ah e ka jirta magaaladaasi iyo hareeraheeda, maadaamo la sheegay inay dhawaan ka baxeen Ciidamada AMISOM qeybo ka tirsan Gobolka Bakool, isla markaana loo geyn lahaa ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed meelihii la faarujiyay, si ay mar kale gacanta ugu gelin Maleeshiyada Al-Shabaab. Mas’uuliyiinta ayaa goobta sidoo kale gaarsiiyay raashin si loogu qeybiyo bulshada deegaannadasi ku nool.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles