Sideed ka tirsan Maleeshiyadda Kooxda Al-shabaab ayaa la dilay tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay kaddib dagaal ka dhacay deegaanka Goof Guddud ee Gobolka Baay oo ay isaga hor yimaadeen Ciidamada Daweladda iyo kuwa Alshabaab. Maleeshiyaadkii goobtaasi lagu dilay aayaa waxaa ka mid ahaa ku xigeenkii Kooxda Alshabaab u qaabilsaa Gobolada Baay iyo Bakool, sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyayay Wasiirka Warfaafinta ee Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed. Wasiirka ayaa faahfaahiyay qaabkii loo dilay hor joogahaasi, waxa uuna sheegay inuu ku jiray Maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Deegaanka Goof guduud, waxaaa lala dilay tiro kale oo uu isagu ku jiray.
↧