Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dawladaha Jabuuti iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya horumarinta Dekedaha.

$
0
0
Maamulayaaha Dekedaha labada dal Jabuuti iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya inay iska kaashadaan horumarinta Ganacsiga Badda ee Dekedahooda. Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka ee Jabuuti, waxa u heshiiskaasi dhigayaa in labada dal ay iska kaashadaan khibradaha iyo arrimaha maamulka Dekedaha, Tababarrada shaqaalaha iyo in la abuuro xarun ganacsi xor ah oo ay wadaagaan labada waddan. Dhanka kale Dawladda Jabuuti ayaa maanta si kulul u canbaaraysay cambaareysay weerarkii Maleeshiyooyinka Xuuthiyiinta oo Gantaal balaastiko ah oo nooca riddada dheer ku rideen deegaan ka tirsan Magaalada barakeysan ee Makka Almukaramah . Waxayna Jabuuti  weerarkaasi ku tilmaantay mid khatar ah oo aan la aqbali Karin, isla maarkaana ay Dawladda Jabuuti taagero la barbar taagan tahay Xukuumadda sharciga ee Yeman.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles