Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Golaha Abwaanada Soomaaliyeed oo ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo colaadda Gaalkacyo

$
0
0
Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa baaq nabadeed u diray Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland, isla markaana ka codsaday in si sharuud la’aan ay ku joojiyaan xisadaha coladeed ee ka taagan magaalada Galkacayo ee Gobolka Mudug. Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay inaysan ka soo tegin magaalada Gaalkacyo marka ay tegaan socdaalka ay iminka isugu diyaarinayaan inay ku tegaan gobolka Mudug, ayna la kulmayaan Madaxda labada maamul si ay ugala hadlaan joojinta colaadda Gaalkacyo. Abwaan Xirsi ay carabka  ku dhuftay in Madaxweynayasha  Maamulada Puntlan iyo Galmudug  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed in ay kala  qadaan ciidamada isku horfadhiya magaalada Gaalkacyo,  islamarkan uu tilmamay in waxyabaha ay kala tebanayaan ay miiska wada hadalka ku dhameeyaan, ayna ku wajahanyihiin Gobolka Mudug, si ay gacan uga geystaan daminta colaadda.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles