Madaxda dalka Gambia ayaa sheegay in ay ka bixi doonaan xubinimada maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ee ICC,kadib markii ay ku eedeeyeen maxkamaddaasi in ay silac iyo dulleyn ku hayaan dalalka Africa. Dalkaan yar oo kamid ah dalalka Africa ee dhaca Galbeedka ayaa ku biiray wadamada K/Africa iyo Burundi oo shaaciyay in ay ka baxayaan Maxkamadda ICC. Wasiirka Warfaafinta Gambia Sheriff Bojang,ayaa ku nuuxnuuxsaday in Maxkamadda Caalamiga ah ay iska indh tirto dambiyada dagaal ee ay galaan dalalka reer Galbeedka,isagoo tusaale u soo qaatay in lagu fashilmay maxkamadeynta R/wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair,taas oo la xiriirta dagaalkii Ciraaq. Dalka Gambia waxaa tallada haya Madaxweyne Yahya Jammeh oo sanadkii 1994-tii afgambi ku qabsaday dalkaasi,waxaana lagu wadaa in bisha Disebar ay ka dhacaan doorashooyin,inkastoo hogaamiyihii mucaaradka iyo 18-ruux oo kale sanadkaan horaantiisii lagu xukumay 3-sano oo xarig ah. Gudoomiyaha guddigga xeer-ilaalinta Fatou Bensouda, ayaa horay u soo qabatay jagagda Wasiirka Caddaaladda ee dalka Gambia
↧