Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Cali Diini ayaa beeniyay in Ciidamo ka tirsan Dawladda ay ka qeyb qaateen Dagaalka ka socoda mgaalada Gaalkacyo. Wasiirka oo maanta la hadlayay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay inan wararka la isla dhex marayay malmahaan uu yahay mid fadhi ku dirir ah, baba yaratee aysan jirin Ciidamo ka tirsan Dawladda oo ka qeyb galay dagaa beeleedka ka socoda magaalada Galcayo. Gen. Diini ayaa ugu baaqay maamulada labada dhinac ee ku dagaalmaya magaalada inay si shuruud la’aan ah dagaalka u joojiyaan una turaan dadka sida nabadgelyada ah ugu wada noolaa magaalada Galkacyo.
↧