Ra’iisul wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay galbeedka magaaladda Beledwyeyne, halkaasi oo ay xaruun Ciidan ku leeyihiin Ciidamadda Amisom Gaar ahaan Ciidanka hiil walal ee ka socda Jamhuuriyadda Walalaha Jabuuti. ” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka arga-gixisada. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo , Waxaan rabaa inan si gaar ah Tacsi ugu dirayaa Dowladda iyo shacabka an walalaha nahay ee reer DJabuuti , Ciidanka Hiil Walal waxa ay dhiigoodda u hureen sidiii ay cadowga argagaxisada al-shabab ay kaga xorayn lahayeen Dalkeena isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayen nabad iyo barwaaqo ” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya . Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaali ayaa sheegay in falkaan uu yahay mid cadowgu ay ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan nabad gelyada ka jirta magaalada baladweyn. “Waxaan ku bogaadinayaa ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Djabuuti ee ka howlgala Baladweyn sida geesinimada leh ay iskaga difaceen weerarkii ay ku soo qaadeen kooxdii xag jirka ahayd ee Al-shabaab oo ay [...]
↧