Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Warfaafinta oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday xerada ciidamada jabuuti ay ku leeyihiin Baladweyn

$
0
0
Wasiirka Wasaarada warfaafin xukukuumada soomaaliya Maxamed Cabdi xayir”Maareeye” oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarun ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa jabuuti ay ka degenaayeen Magaalada Baladweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wasiirka ayaa tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay weerarkaasi, isagoo dhinaca kale sheegay in falkaan uu yahay mid cadowgu ay ku doonayaan in ay ku carqadaleeyaan nabad gelyada ka jirta magaalada baladweyn. “Waxaan ku bogaadinayaa ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Djabuuti ee ka howlgala Baladweyn sida geesinimada leh ay iskaga difaceen weerarkii ay ku soo qaadeen kooxdii xag jirka aheyd ee AL-shabaab” . Waxaan leeyahay anoo ku hadlaayo Afka xukuumada intii dhimatay allaha u naxariisto inta dhawacantayna allaha caafiyo.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles