Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Khaliifa Bin Xamdi ayaa la shaaciyay in uu ku dhintay magaalada caasimadda ah ee Doxa oo xarun u ah dalkaasi. Sheekh Khaliifa Bin Xamad Al-Tani ayaa maalinimadii shalay ku geeriyooday mgaalada Doxa waxaana Wakaaladda Wararka ee Qadar ay soo warisay in marxuumkaasi uu ku dhintay da’da 84-sano jir. Maamulka Qasriga boqortooyada dalka Qadar ayaa shaaciyay in marxuumkaasi loo sameyn doono aas qaran,isla markaana muddo 3-cisho ah dalka ay ka dhacayaan baroor-diiq. Amiirka geeriyooday ee dalka Qadar Sheekh Khaliifa Bin Xamdi Al-Tani ayaa xukunka daalkaasi qabtay Sanadkii 1972-dii , sanad kadib markii dalkaasi ka xoroobay gumeysigii Ingiriiska,. Amiirka hadda ka taliiya dalkaasi Tamiim bin Xamdi Al Tani oo isna xukunka dalkaasi la wareegay 2013kii waxaa dhalay Amiirka geeriyooday
↧