Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ra’iisul Wasaare Cumar oo markale ku baaqay in la joojiyo colaadda Gaalkacyo

$
0
0
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali  Sharma’arke  oo manta dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho ayaa  ugu baaqay Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug in si sharuud la’an ah ay ku joojiyaan dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug . Mudane Cumar  Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay  in xilligan uu dagaalka dhexmaro maamulada Puntland iyo Galmudug xilli dalkeena uu ku jiro marxaladda doorasho  oo ay suurta gal tahay in dagaalkaasi uu saamayn ku  yeesho , dhawaana la isku keeni doono  Madaxda  labada Maamul si loo dhameeyo  colaada Gaalkacyo ka Jirta. Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa  safar lagu dhamaynayo dagaalka Gaalkacyo ku tagey magaalooyinka Garoowe iyo Cadaado, isagoo kulamo  la yeeshay  Mas’uuliyiinta labada maamul oo uu kala hadlay sidii loo xalin lahaa waxkasta oo sababay gacan ka hadalka.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles