Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga oo tababbar loogu soo xiray Turkiga “SAWIRRO”

$
0
0
Shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa tababbar la xariira arrimaha horumarinta shaqaalaha Wasaaradda loogu soo gabo gabeeyay Caasimada dalka Turkiga ee Ankara. Shaqaalahan tababarka loo soo xiray ayaa tiradoodu gaarayso todoba qof. Madaxa Xafiiska Ganacsiga Safaarada Soomaaliya ee Dalka Turkiga, Mudane Yusuf Axmed Xasan oo loo yaqaan “Jeego” ayaa tilmaamay in ay tahay markii ugu horeysay ee shaqaale ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga  ay tababbar ugu yimadaan dalka Turkiga, waxaa ayna ka qaateen fikir aad muhiim ugu ah Wasaaradda Ganacsiga iyo shacabka Soomaliyeed. Qaybaha uu ka Koobnaa  tababarkan ayaa waxaa ka mid ahaa waaxda Ganacsiga, waaxda Warshadaha, Waaxda fayadhoorka iyo Waaxda Protocol, dhamaan qaybahaas oo dhan ayaa laga haqab tiray, mana noqon doonta markii ugu danbeesay ee shaqaalaha Wasaaradda ay tababar ka helaan  dowlada Turkiga. Xafiiska Ganacsiga Safaarada Soomaliya ayaa dadaal balaaran ugu jiro sidii loo horumarin lahaa dadaalada ay wado Safaaradda Soomaliya ee dalka Turkiga.    

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles