Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirrada: Bandhig-dhaqameed lagu qabtay London

$
0
0
Barnaamijkan  oo ah mid sanadkiiba halmar ka qabsooma dalkan ingririiska, ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi  ku soo bandhigeen hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Bandhigan ayaa sanadkan xambaarsanaa muhiimad gooni ah, waxaana markii ugu horaysay lagu daahfuray xarunta lagu kaydiyo dhaqanka iyo xadaarada faca waynleh ee boqortooyada inriiska British Museum ee magaalada London. Barnaamijka waxaa furitaankiisii qudbado ka jeediyey mas’uuliyiin ka tirsan dalka Britain iyo Pro Ahmed Ismaaciil Samatar oo ku dheeraaday taariikhda facawayn leh ee ku duugan gabayada iyo fanka. Sanad walba barnaamijkan waxaa ka qayb gala fanaaniin kaladuwan oo ka yimaada daafaha caalamka, iyadoo sanadkan uu goob joog ka ahaa Ahmed-naaji Sacad oo ka mid ah fanaaniinti hore ee dalkeenna. Dhanka kale furitaanka barnaamijkan awaxaa ka qaybgalay dadwane farabadan,  oo aad ula dhacsanaa inay arkaan hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles