Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

$
0
0
Mogadishu, 22 October 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; 35 Xildhibaanada Aqalka Sare oo la doortay, Madaxeynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle oo la doortay, Madaxweynaha oo xariga ka jaray Mashruuca Nadaafada Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo lagu xalinayo colaadda Gaalkacyo la qaatay madaxda Galmudug iyo Puntland, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo Shirka Horumarinta Dalka Gudoomiyey, Wasaarada Maaliyada oo dardargelineysa ururinta canshuuraha, Waddooyin laga dhisayo magaalada Cadaado oo la dhagax-dhigay, Booliska ilaalinaya Doorashooyinka oo tababar loo furay, Booliiska oo tayeynaya nidaamka Baarista Danbiyada, Miiniste Al-Shabaab ah oo gacanta lagu soo dhigay iyo Dib u eegista Dastuurka oo si habsami leh u socota. 35 Xildhibaanada Aqalka Sare oo la doortay Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo dhaqangelintiisa si wanaagsan u socoto. Dowlad Goboleedyada GalMudug, Jubbaland, Koofur-Galbeed iyo Puntland ayaa si habsami leh u soo doortay xubnihii Aqalka Sare u matali lahaa deegaanadooda. 16kii October 2016 ayaa Baarlamaanka GalMudug waxuu soo doortay xubnihii 8da ee u matali lahaa Aqalka Sare. Sidoo kale Jubbaland iyo KoofurGalbeed ayaa iyagana xubnahoodii soo doortay 19kii October 2016, halka Puntland ay soo doorteen xubnihii Aqalka Sare 20kii [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles