Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maxaa laga xusi karaa waxqabadkii Kacaankii 21-kii Oktoobar “Faallo”

$
0
0
Kacaankii xukunka Militari waxa uu Dalka ka talinayay intii u dhaxeeysay 1969-1991-kii, dadka qaarba magaca ay jecelyiihiin bay ugu yeeraan, Sida Xukunkii Askarta, Kacaanka ama Nidaamkii Hantiwadaagga iyo xukunkii Maxamed Siyaad Barre, balse aan ku bilaabo sida uu u dhismay Golaha sare ee Kacaanka. Markii Ciidamadu inqilaabka ku rideen Dawladdii Rayed ahayd ee la soo doortay bishii Oktoobar 21-keedii 1969kii, waxay dhiseen Golihii Sare ee Kacaanka , oo ka koobnaa 25 sarkaal, oo isgu jira 20 Xoogga Dalka ah iyo 5 Booliska ah, oo Madax uu u noqday M.S. Barre oo markaa ahaa Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Golahaasi wuxuu la wareegay Awooddii Dalka oo idil, tii Sharci-dejinta, ( Barlamaan) tii Fulinta ( Xukuumadd) iyo tii garsoorka,waxaa kale oo ka mid ahaa tallaabooyinkii ugu horeeyay uu golahaasi ku dhaqaaqay kala diriddii Barlamaankii la soo doortay, baabi’intii Dastuurkii Qaranka 1961 kii, Mamnuuciddii dhammaan Axsaabtii siyaasadeed, iyo ururadii madaniga ahaa ee ka jiray waddanka, iyadoo awooddii oo dhan ay ku ururtay hal hey’ad oo waliba askar ah, waxaa Soomaliya u bilaabatay cabsi Dektaatooriyad, oo la mid ah kuwii ka jiray meelo kale oo addunka ka tirsan siiba Laatiin America, bariga dhexe iyo Africa. Billawgii Kacaanka waxuu lahaa golaha Sare awood wadaag, wax lagu [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles