Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa radio Muqdisho iyo Telefeshinka Qaranka ayaa looga hadlay dhismaha dowladgoboleedyada iyo dadaallada ay arrintaasi ku bixisay wasaaradda arrimaha gudaha, iyadoo uu barnaamijka marti ku ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa. Wasiir Odawaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay dadaalka ay wasaaraddu u soo gashay hirgelinta nidaamka federaalka dalka, isagoo tilmaamay in arrintani ay fududeynkarto iney si fudud u qabsoomaan doorashooyinka ka dhacaya dalka.
↧