Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Dowlad gobolleedyada doorashooyinka Aqalka Sare

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu hambalyeeyey Madaxda iyo Baarlamaanada Dowladda Gobolleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland tallaabadii dimoqraadiyada aheyd oo ay xubnaha Aqalka Sare u matalaya ku doorteen . “Waxaan marka hore ugu hambalyeynayaa xildhibaanada Baarlamaanada Dowlad Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug doorashooyinkii ay ku doorteen xubnihii u matalayey Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ammaan iyo mahad celin naga mudan Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo wadatashi ka dib u gudbiyey baarlamaanada xubnihii u tartamayey inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka.ee matali lahaa dowlad gobolleed walba” ayuu yiri Madaxweynaha. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay u bilaabatay taariikh cusub “waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay. Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horey u go’aamiyey in ugu yaraan 30% xubnaha labada Aqal ay noqdaan dumar, sidaas daraadeed, waan soo dhoweynayaa sida dimoqraadiyada ah oo ay baarlamaanada dowlad gobolleedyada u soo xusheen dumarka ka mid noqday xubnaha Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles