Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa is hortaag ku sameeyey Badeecooyinkii la geyn jiray Degmooyinka iyo Deegaannada Bari ee Gobolka Galgaduud, iyagoo hakiyay gaadiidkii Ganacsiga geyn jiray deegaanada Gal-hareeri iyo Ceel-buur, Ceel-garas, Ceel-lahelay, Ceel-qooxle iyo Xiin-dheere. Gaadiidka Maleeshiyaadku go’adoomiyeen waxa ay Badeecooyin kala duwan geyn jireen Deegaanadaasi oo ay ku suganyihiin haraadiga Maleeshiyaadka Shabaab, sidoo kala gaadiidkaasi waxa ay deegaannadaasi ka soo qaadi jireen Xoolaha loo iib geeyo meelo ay ka mid tahay Magaalada Gaalkacyo. Arintaan ayaa timid kaddib markii maleeshiyaadka Shabaab ay ganacsatada ka dalbadeen lacago baad ah, taasoo ay ganacsatadu ku gacan seyreen, iyadoo dhagarqabayaashu ku dhaqaaqeen falkan cunaqabteynta ah oo ay ku soo rogeen gaadiidleyda isaga kala goosha deegaannadaasi, . Mid ka mid ah gaadiidleyda oo magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan ayaa lagu soo waramayaa in uu ku xiranyahay deegaanka Xiindheere gaarigiisina uu halkaasi yaallo kaddib markii uu dhegaha ka fureystay dalabka kooxda ee ah in uu bixiyo lacago baad ah. Cunaqabateynta ay dhagar qabayaasha Shabaab ku soo rogeen dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannadaasi ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka joogtada ah oo ay kooxdu ka waddo deegaannada dhaca bariga gobolka Galgaduud. Wixii ku soo kordha halkan kala soco
↧