Saxaafaddu waa muraayad laga daawan karo dal kasta horumarka uu ka gaaray dhinacyada waxbarashada,tiknolojyada iyo guud ahaan waxqabadka dhaqan dhaqaale ee ay ku faanto bulshada caalamla. Labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka ka hanaqaaday ama ka hirgalay saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda iska lahaayeen ama iska kaashadeen aqoonyahanno isugu jiray kuwo wax ku bartay dalka iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda isla markaana doorbiday in ay wax ka badalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah. Dhismaha warbaahinta Soomaalida oo ku bilowday qaab ganacsi,kuwo siyaasad gaar ah leh iyo mid guudba ,haddana waxaa sanado badan ay fursad u heleen in ay soo saaraan suxuufiyiin badan oo ku guuleystay aasaasidda ururo saxaafadeed oo ilaaliya danaha iyo xuquuqda suxuufiyiinta ,isla markaana diyaariyay shuruucda lagama maarmaanka u ah warbaahinta. Xilligaan waxaa la oran karaa warbaahinta Soomaaliya,waxa ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,kadib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda. Inkastoo warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah haddana waxaa muuqda dhaliillo ka imaanaya qaar kamid ah suxuufiyiinta [...]
↧