Kulan si weyn ay u soo agaasimeen Guddi Ka kooban Ganacsato,Culumaa’udiin iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa maanta waxaa uu ka furmay Magaalada Malbero Johannesburg ee Dalka Koonfur. Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan iyo ergooyin kala matalayay Bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool 9-ka Gobolka ee uu ka kooban yahay Dalka Koofur Afrika, ururada ka shaqeeya arrimaha bulshada,haweenka iyo kuwa kale waxaana ujeedka kulanka uu ahaa sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Soomaalida ku heysta gudaha Dalka South africa, sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Shariif Axmed Wehliye Garweyne oo ku hadlayay Magaca Guddiga soo qaban qaabiyay kulankaani. “Shirkaan waxaa loogu talagalay in lagu xaliyo dhibaatooyinka Soomaalida dhaxdeeda ah iyo kuwa Dalkaan Koofur Afrika loogu geysto,isla markaana lagu xaliyo arimahaas loga hadlayo” ayuu yiri Shariif. Guddiga ayaa Ergooyinka Madasha shirka yimid u qeybiyay ilaa sagaal qodob oo ay ku soo koobeen dhibaatooyinka loo baahan yahay in laga wada hadlo, islamarkaana ay ka doodaan dhinacyada matalayasha bulshada iyo ururada Soomaalida, waxaana qodobadaasi bulshada u akhriyay Xoghayaha Gudiga Qabanqaabada Maxamuud C/laahi Salaad. “qodobadii aan is dhahnay waa ugu waa weyn dhibaatooyinka ayaan kusoo koobnay,tusaale ahaan midnimo la’aanta,dhaca iyo dilalka qorsheysan,maandooriye ama drugs waxa [...]
↧