Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka oo xaflad Hambalyo ah u sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Goobe “SAWIRRO”

$
0
0
Xaflad Casho ah oo ay kasoo qeyb galeyn Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya C/llahi Jaamac Ilka-jiir, Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Axmed Cali Daahir, Saraakiisha iyo  Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ayaa waxa ay ugu hambalyeynayeen Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe),oo Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu hal darajo dalacsiiyey waxaana uu ahaa intaan la dalacsiin  ka hor Sareeyo Gaas. Xafladda ayaa Martidii kasoo qeyb gashay waxaa mada-daalinayey Hobollada Fanaaniinta Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Waxaana Gunaanadka ka hadlay Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee kasoo qeyb galay, iyagoo si wada-jir ah ugu hambalyeeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) waxeyna Xuseen in uu mudan yahay Darajada sare ee la siiyey uuna yahay Jeneraal  Howlkar ah oo Taariikhda Dalka ay xusi doonto. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ,ayaa Xafladaasi soo xiray, isagoo uga mahadceliyey Madaxda kasoo qeyb gashay sida ay u baraarujiyeen waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay in laga wada shaqeeyo danta Guud ee Dalka. “Runtii waan u mahad celinayaa Martida madaxda ah ee halkaan fadhisa iyo dadkii soo qaban qaabiyey Xafladan la iigu hambalyeynayo, haddii aan kaftamo [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles