Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa xukunka ay gaartay Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Ingriiska ee ku saabsanaa baaritaankii uu waday Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa Daran (Serious Fraud Office) oo ahaa in shirkadda Soma Oil ay siisay lacag qubarada Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed. Xukunkaan ayaa shirkadda Soma Oil u xaqiijinaya eedeeyntii hayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socoshada cunaqabataynta Soomaaliya iyo Eriteriya in uu yahayn mid aan loo heyn cadeyn. Natiijadan ayaa la mid ah tii ay soo saareen sanadkii hore guddi madaxa banaan ee Soomaaliya ee u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigaan madaxa banaan ayaan wax cadeyn ah u helin waqtigaas in heshiiska tayaynta shaqalaha ee u dhexeeyay Wasaaradda Batroolka iyo shirkadda Soma oil uu ahaa mid wax kala bedelasho ah. Wasaaraddu waxey mar walba diyaar u tahay wada-shaqeyn iyo ka hortagidda eedeymaha lidka ku ah howlaha wasaaradda. Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, waxay ku dadaalaysaa dhamaystirka hawlaha ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya iyo la macaamilka shirkadaha batroolka. Wasaaradda waxay aaminsan tahay shuruudaha ugu horeeya ee batrool baaris laga sameeyo wadamada dahan sida Soomaaliya in uu yahay in la helo xeerar iyo sharci ku haboon. Sidaa daraadeed, anagoo la kaashanayna Bangiga Aduunka, ayaan dhameystirnay dib u eegis [...]
↧