Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Hay’adda Culimada oo sheegtay inay bilaawday wada hadalo ay kala yeelanayaan maamulada Puntland iyo Galmudug xalinta Gaalkacyo

$
0
0
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqday in laga qeyb qaato dadaalada Nabadeed ee xalka loogu raadinayo dagaalada soo laalaabtay ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo sheegay inay bilaabeen wada hadalo ay la yeesheen Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland, si xal waara looga gaaro colaadda Gaalkacyo. Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ahna guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ka xunyihiin dhiiga dadka walaalaha ee ku daadanaya dadka “Anagu maka daaleyno baaqyada aan u jeedineyno dadka walaalaha ah, waxaan soo jeedineynaa in waxkasta lagu dhameeyo wada hadal, waayo arrimahan dad siyaasadeed ayay u badanyihiin, waxaan kaloo soo jeedineynaa in caqliga uu shaqeeyo, isla markaana waxkasta lagu dhameeyo wada hadal” ayuu yiri Sheekh Nuur. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa xusay in khadka telefonka uu kula xiriiray Madaxda Dolwad goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo uu kala hadlay sidii ay u qaadan lahaayeen baaqyada bulshada qeybaheeda kala duwan uga imaaneysa, isla markaana ay colaadda ku dhameeyaan wada hadal.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles