Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Mareykanka oo duqeeyay saldhig ay lahaayeen Xuutiyiinta Yemen

$
0
0
Ciidamada Mareykanka  ayaa weeraray saldhig laga maamulo isgaarsiinta(radaarka) oo ku yaallla dalka yemen,kadib kolkii mar labaad   maraakiibta dagaalka Mareykanka  ee ku sugan badda Cas lagu weeraray gantaallo. Warar ka soo baxay xafiiska  Pentagonka ayaa sheegaya in qiimeyn hordhac ah ay muujineyso in la burburiyay sadex goobood oo ay yiilleen isgaarsiinta raadaarka ee   laga hagay gantaaladii lagu tuuray maraakiibta dagaalka mareykanka ee joogay biyaha badda Cas. Xafiiskaasi ayaa xaqiijiyay  in bartilmaameedkoodu ahaa xaga dhulka ee ay maamulaan fallaagada  Xuutiyiinta ee ay taageeraan dowladd Iiraan,waxaana intaa la raaciyay in duqeynta Marerykanka ee dalka Yemen ay ogolaansho uga heleen Madaxweyne Obama. Sarkaal u hadlay mareykanka ayaa sheegay in ay ka jawaabi doonaan cabsi kasta oo ay dareemaan maraakiibta dagaal ee Mareeykanka,waxaana inta uu ku daray in duqentaasi ay tahay calaamad muujineysa ilaalinta danaha biyaha badda Cas iyo maraakiibta dalkaasi

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles