Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Qaar ka mid ah Beeraleyda Gobolka Shabeelaha Hoose oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

$
0
0
Ururka Qaranka iskaashatooyinka Beeraha ayaa siminaar lagu baranayo horumarinta wax soo saarka  dalagyada beeraha habka beerashada iyo keydinta dalagyada oo soconayay muddo  saddex maalin ah ugu soo xiray Muqdisho 60 qof oo ka mid ah  beeraleyda  gobolka Shabeelaha Hoose Munaasabad lagu soo xirayay siminaarka ayaa waxaa  ka soo qeyb galay  mas’uuliyiinta ururka Qaranka iskaashatooyinka Beeraha, qaar ka  mid ah  beeraleyda  gobolka Shabeelaha Hoose, agaasimaha guud ee wasaarada Beeraha  ee Xukuumadda Soomaaliya iyo marti sharaf kale Mursal Muqtaar Xaaji Caliyow  iyo Yusuf Axmed Cabdulle oo ka mid ah  beeraleyda ka faa iideysatay  muddadii uu socday siminarka ayaa sheegay inay wax badan ka faa’iideysteen, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku shaqeeyaan waxyaabaha ay kororsadeen. Guddoomiyaha  iskaashatada  Qaranka  Beeraha  Muuse  Xaashi  Baraale  ayaa ka hadlay  qiimaha uu u leeyahay  siminaarkan beeraleyda  Gobolka  Shabeelaha Hoose, isagoo  kula  dardaarmay dadka  ka  faa’iideystay in ay  ugu faa’iideeyaan  waxa  ay ka  barteen  bulshada  Soomaaliyeed. Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya  Maxamuud Maxamed Maxamuud oo soo xiray siminaarka ayaa tilmaamay in  Wasaaradda  Beeraha  ay qeyb weyn ka qaadaneyso  horumarinta  beeraleyda Soomaaliyeed. “Ka  Wasaarad ahaan waxaan  garab taaganahay  in aan horumarino Beeraleyda  Soomaaliyeed , beeruhu  waa  horumarka  dal  kasta,  beeraleyda waxaan kula talinayaa in ay  [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles