Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

12-ka Octobar waa maalinta calanka Soomaaliyeed “Akhriso”

$
0
0
Maantoo kale 12-kii October sanadkii 1954-tii ayeey aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee Calanka Buluugga ah ee u eg samada xiddigta Shan geesoodka ahna ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Federalka Somalia. Dalkeenna waxaa soo maray Sadex Calan kuwaas oo kala ahaa Calanka gumeystihii Talyaaniga iyo kan Ingiriiska oo jiray 1941-dii ilaa 1950-kii waxaana 1954-tii Qaramada midoobay dalkeenna ku wareejisay Talyaaniga si uu xornimo u gaarsiiyo iyadoo qaramada midoobay magacawday Sadex waddan oo dusha ka kontoroolayay  sida uu Talyaanigu u maamulayay dalkeenna,  kuwaas oo kala ahaa waddamada Masar, Colompia iyo Philibin, waxaana markaasi dalka ka jiray calanka Talyaaniga oo uu wehliyo kan Qaramada Midoobay,  qorshahaasi xornimo gaarsiinta ahna waxaa ka shaqeeyay xisbigii Leegada. Haddaba isla sanadkaasi 1954 waxaa loo baahday in la helo Calan uu yeesho dalkeenna mar haddi la helay nidaamki xornimo gaarsiinta, waxaa la soo bandhigay naqshado farabadan hase yeeshee isla sanadkaasi 12 Obtober 1954-tii maantoo kale Allaha u naxariistee  Maxamed Cawaale Liibaan oo ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga Leegada ayaa jeebkiisa ka soo bixyay Calanka hadda jira ee buluugga ah. Calankan Buluugga ah ee xiddigta ku leh bartamaha ayaa ah kan caalamka oo dhan noo aqoonsanyahay, [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles