Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirrada: Munaasabadda xuska maalinta ciidanka Booliiska oo lagu qabtay Muqdisho

$
0
0

WhatsAppShare

Munaasabad aad u balaaran oo lagu xusayay sanadguurada 72-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay dugsiga sare ee boolisska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaasi waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo salaan sharf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaaliyeed, isagoo hambalyo u diray saraakiisha. saraakiil xigeennada, Alifleyda, dableyda iyo xaasaskooda, wuxuuna u rajeeyay horumar iyo baraare.

Ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa munaasabadda ku soo bandhigay dhoolatis ciidan sida Gaadda ka ciyaar, Gaadiidka ay ku howlgalaan iyo qalab casri ah oo ay u adeegsadaan shaqadooda, sidoo kale kooxda Bambeyda booliiska ayaa halkaasi ka tuntay Musig aad u qiiro badan.

Sidoo kale kooxda fanaaniinta ciidanka booliiska ee Heegan ayaa halkaasi ku soo bandhigay Riwaayad ka tarjumeysay wax qabadka ciidanka, taasoo ay aad u jecleysteen dadkii ka qeybgalau xafladda.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, iaydoo ciidanka booliiska Soomaaliyeed ay maanta u tahay maalin farxadeed.

vlcsnap-2015-12-20-15h44m14s94 vlcsnap-2015-12-20-15h44m46s132 vlcsnap-2015-12-20-17h00m04s60 vlcsnap-2015-12-20-17h00m15s172 vlcsnap-2015-12-20-17h00m39s156 vlcsnap-2015-12-20-17h00m52s34 vlcsnap-2015-12-20-17h01m01s119 vlcsnap-2015-12-20-17h01m13s246 vlcsnap-2015-12-20-17h01m25s110 vlcsnap-2015-12-20-17h01m37s224 vlcsnap-2015-12-20-17h01m43s31 vlcsnap-2015-12-20-17h01m53s132 vlcsnap-2015-12-20-17h02m00s203 vlcsnap-2015-12-20-17h02m09s32 vlcsnap-2015-12-20-17h02m29s239 vlcsnap-2015-12-20-17h02m41s98 vlcsnap-2015-12-20-17h02m59s25 vlcsnap-2015-12-20-17h03m09s121 vlcsnap-2015-12-20-17h03m13s165 vlcsnap-2015-12-20-17h03m25s27 vlcsnap-2015-12-20-17h06m12s170 vlcsnap-2015-12-20-17h06m16s210 vlcsnap-2015-12-20-17h06m51s44 vlcsnap-2015-12-20-17h07m02s155 vlcsnap-2015-12-20-17h07m09s225 vlcsnap-2015-12-20-17h07m17s55 vlcsnap-2015-12-20-17h07m40s24 vlcsnap-2015-12-20-17h08m31s224 vlcsnap-2015-12-20-17h08m50s158

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles