Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ruushka oo codka Veto ku diiday qaraarka nabadda ee Suuriya

$
0
0
Dowladda Ruushka ayaa codka diidmada qayaxan ee loo yaqaan “Veto” ku diiday qaraarka Qaramada Midoobey ee lagu dalbanayo in la joojiyo duqeynta magaalada  Xalab ee dalkaasi Suuriya. Go’aanka Ruushka ayaa daba socda qabyo-qoraal uu Faransiiska u gudbiyay Golaha Amaanka. Qabya-qoraalka ayaa waxa uu dhigayaa in si deg-deg ah loo joojiyo duqeynta, sidoo kale Xalab laga dhigo meel aysan diyaaradaha militariga ku dul duuli karin. Xubnaha joogtada ee Golaha Amniga, 11 kamid ah waxay taageereen go’aanka. Shiinaha iyo dal kale ayaa ka aamusay. Waa markii shanaad oo Ruushka uu diido qaraar Golaha Amniga uu ku doonayo in lagu xalliyo colaadda shanta sano qaadatay ee Suuriya ka socota.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles