Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha: “Waxaa naga go’an in doorashada ay ku dhacdo waqtiga loogu talagaley”

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qabanqaabada doorashada taariikhiga ah ee 2016 ay si habsami leh u socoto, isla markaana ay ku qabsoomi doonto waqtiga loogu talagaley. Madaxweynaha ayaa hadalkan u sheegay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha amniga, Peter Thomas Drennan oo uu kula kulmay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. “Soomaaliya waxay maalinba maalinta ka dambeysa ku tallaansaneysa horumar dhinaca siyaasadda iyo amniga ah oo mustaqbal wanaagsan dalka loogu dhisayo. Waxaan meel-marinay barnaamijyo dhowr ah oo la xiriira amniga iyo siyaasadda oo aan ku ansixinay nidaam wada oggol ah. Waxaa hubaal ah in aan si tartiib tartiib ah uga mira-dhalin doono barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliyada cusub oo leh dhammaan kaabeyaasha siyaasadda ee qaran walba u baahan yahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulankan kaga dhawaaqay in Madasha Hoggaanka Qaranka uu 10-ka bishan shirkooda uga furmi dooni magaalada Muqdisho, lagana arrinsan doono arrimaha dardar-gelinta doorashada, amniga iyo siyaasadda dalka. “Waxaa ka go’an hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Soomaalida inay horay u sii dhaqaaqaan. Waxaan ka mahad-celinayaa taageerada Qaramada Midoobay ay ka geysaneyso arrimaha Soomaaliya. Salaan iyo mahadnaq gaar ah iga gaarsii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles