Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo Tababar u qabatay Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed+Sawirro

$
0
0
Tababar lagu baranayay tayeynnta adeegsiga af-Soomaaliga ee dhinaca Warbaahinta uuna soo qaban-qaabiyay Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ayaa maanta lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho. Munaasabadii furitaanka tababarkaasi ayaa waxa ka soo qeyb galay madax ka kala socotay Dawladda Federaalka, Maamulka G/Banaadir iyo masuuliyiinta Akadeemiyo Goboleedka Af -Soomaaliga, in ka badan 50-xubnood oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Ururada Saxafiyiinta gabdhaha oo ahaa kuwa tababbarka qaadanayey. . Gudoomiyaha Akadeemiyo Goboleedka af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax  ayaa sheegay in tababarka tayaynta adeegsiga af Soomaaliga uu qeyb ka yahay saminaaro baahsan oo Akadeeimiyadu u qorsheysay kor u qaadida af-Soomaaliga, wuxuuna hoosta ka xriiqay inuu qaybaha kala duwan ee Warabaahinta uu ku guubaabinayo sidii ay u adeegsan lahaayeen af-Soomaali sax ah. “Warbaahinta, Maamulka iyo Macalimiinta ayaa laf dhabar u ah noolaynta iyo xoojinta afkeena, dhinac walba oo qeybahaasi ka mid ah iyo guud ahaan ummadda oo dhan waxaa waajib ka saaran yahay daryeelka af-Soomaaliga “ ayuu yiri Prof. Afrax oo intaasi raaciyay in af-Soomaaligu uu yahay af isku filan oo hodon ah. Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” oo si rasmi aha u furay tababarkaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay oo uu soo [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles